480 Views

Congo DR oo si rasmi ugu biirtay ururka dalalka Bariga Afrika

Congo DR oo si rasmi ugu biirtay ururka dalalka Bariga Afrika
____________________________________________________________________________


Talaado: July 12, 2022

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, ayaa isniintii si rasmi ah uga mid noqotay xubintii toddobaad ee ururka Bulshada Afrikada Bari (EAC), kadib markii ay si buuxda u dhameystirtay shuruudihii loogga baahnaa.

Xafladda ayaa waxay ka dhacey ee ansixinta ku biirista ah xarunta ururka ee magaalada Arusha, ee dalka Tanzania.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Congo DR, Christophe Lutundula, ayaa warqadaha u gudbiyey xoghayaha guud ee ururka, Peter Mathuka, oo ku tilmaamey tallaabadan u danbeysay mid horumar u ah dalka Congo DR, iyo sidoo kalaba ururka.

Dowladaha xubnaha ka ah ururka, ayaa ansixiyey codsigii DR Congo, ee ahaa inay kusoo biiraan ururka bishii April, baarlamaanka dalkaas ayaa ansixiyey go’aanka ku biirista bishii June.

Madaxweynaha dalka Congo DR, ayaa kusoo gudbiyey bartiisa twitter-ka heshiiska ku biirista.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post