1032 Views

SAWIRO:-Araaji qabashada musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo bilaabatey

SAWIRO:-Araaji qabashada musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo bilaabatey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta ka guddoomey Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka 2aad Araajida iyo Taariikh nololeedkooda.

 

Guddiga ayaa waxaa ay araajida iyo taariikhooda kala wareegeen,Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal,Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan & Cabdulalahi Axmed Calasow oo isku-soo sharaxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

 

 

 

Sidoo kale waxaa ay araajida iyo taariikhooda kala wareegeen Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo u tartamaya guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno kale.

 

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shalay oo Talaado aheyd waxaa ay soo sareen shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment