825 Views

Turkiga oo sheegtay in ay tijaabo ku billaabi doonto taangiga lagu magacaabay Altay

Turkiga oo sheegtay in ay tijaabo ku billaabi doonto taangiga lagu magacaabay Altay
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 15 2021

`

Ismaaciil Demir, oo ah madaxa warshadaha qalabka milatariga sameeya ee dalka Turkiga ayaa khudbad telefihsinka laga sii daayay Axaddii ku sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay farsameynta taangiga Altay, dhawaanna la tijaabin doono.

Culeyska ugu weyn wuxuu Turkiga ka heystay sidii loo heli lahaa Matoorka awoodda badan ee uu ku shaqeeyo taangigaas, horayna waxay isugu fahmi waayeen Jarmalka oo Turkiga saaray Cunaqabateyn dhinaca hubka ah.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in hadda uu Turkiga matoorkaas ka iibsaday waddanka Kuuriyada Koonfureed, sidaasna ay ugu suuragashay inuu sameysto taangigan ugu muhiimsan ee loo adeegsado goobaha dagaalka.

Wargeyska Defence News, oo soo xiganaya sarkaal Turki ah oo uusan magaciisa shaacinin, ayaa sheegay in shirkad fadhigeedu yahay Kuuriyada Koonfureed ay heshiis la gashay Ankara, taasoo hirgalisay guusha laga gaaray sameynta taangigaas.

Mashruuc soo jiitamayay sannado

Turkiga ayaa markii hore mashruucan billaabay 2005 ilaa 2007 oo heerar kala duwan lasoo mariyay, laakiin dib u dhac badan ayaa yimid kaddib markii ay Jarmalka iyo Ankara isku fahmi waayeen isku day la doonayay in lagu helo matoorka uu ku shaqeeyo taangiga.

Dowladda Jarmalka ayaa diidmadeeda u cuskatay cunaqabateyn dhanka hubka ah oo ay horay u saartay Turkiga.

Turkiga ayaa hadda ku biiray dalalka faro ku tiriska ah ee heysta Taangiyada ugu awoodda badan ee ka qeyb gala dagaalka Dhulka, iyadoo taasi ay u sii dheer tahay inuu maamulan karo hannaanka taangiyada ay ku shaqeeyaan, maadaama ay yihiin kuwo lagu farsameeyay gudaha dalkiisa.

Sannadihii lasoo dhaafay Ankara waxay xoogga saareysay inay ballaariso awooddeeda militari, waxaana uu Turkigu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyo militari oo dibadda ah.

Horaantii sanadkan 2021-ka, Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga oo ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga NATO, kaddib markii Turkiga uu gacanta ku dhigay gantaallada difaaca ee uu Ruushka sameeyo, kuwaasoo uu ka dalbaday sanadkii lasoo dhaafay.

Mareykanku wuxuu sheegay in qalabkaas gantaalaha ee S-400 ee Ruushka lagu farsameeyay uu yahay mid aan la jaan qaadi karin tiknolojiyadda NATO, sidoo kalana uu khatar ku yahay isbahaysiga Euro-Atlantic.

Cunaqabateynta ay ku dhawaaqday waaxda arimaha dibada, bishii January, ee ka dhanka ah Turkiga, waa mid lagu bartilmaameedsaday waaxda soo iibinta hubka ee dalkaas.

Cunaqabateyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Madaxa Agaasinka laamaha Difaaca ee Turkiga, Ismaaciil Demir iyo seddex kale oo shaqaale ah.

Waxaa ka mid ah mamnuucida oggolaanshaha dal-ku-galka Mareykanka iyo sidoo kale in la xannibo wixii hanti ah ee u yaalla goobaha uu Mareykanka awoodda u leeyahay.

Tallaabadaas waxaa si degdeg ah u cambaareeyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo Ruushka.

Mareykanku wuxuu mar hore Turkiga ka saaray barnaamijkiisii ​​diyaaradeed ee F-35. Taasina waxay ahayd tallaabo uu jawaab uga dhigay in Turkiga uu soo iibsaday gantallo kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post