1149 Views

SAWIRO:-Shirka Garoowe oo furmay iyo madax ka qeyb-galeysa

SAWIRO:-Shirka Garoowe oo furmay iyo madax ka qeyb-galeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad   , March 15, 2020 —Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa goordhow ka furmay Shirka wadatashiga Maamulka Puntland,kaas oo ay ka qeyb gelayaan in ka badan 469 ergo oo ka kala yimid dalka Gudihiisa iyo dibadiisa.

 

Shirkan oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Wasiirada & Xildhibaannada labada Gole ee ku matalaya Dowladda Federaalka,inta badan mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Puntland,Odayaal & Waxgarad iyo dad kale oo lagu Casuumey.

 

 

 

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo la xiriira aayaha Maamulka Puntland,khilaafka Dowladda iyo Maamulka Puntland u dhaxeeya iyo jihooyinka siyaasadeed ee la aadayo maadaama dalka uu galayo xilli kala guur ah.

 

Inta uu shirka socdo ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Puntland oo shirkaan iclaamiyey 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkaan,taas oo uu kaga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda.

 

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamada Puntland oo ammaanka siwyen u xaqijinaya waxaa yar isku socodka gaadiidka iyo dadka,iyada oo sidoo kale ay xiran yihiin Goobaha Waxbarashada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment