1422 Views

Xulafada Sauudiga uu horkacayo oo Sanca duqeymo ka geystay

Xulafada Sauudiga uu horkacayo oo Sanca duqeymo ka geystay
____________________________________________________________________________


Sabti: November 27, 202

Xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen ayaa duqeymo hor leh ka fuliyay magaalada caasimadda ah ee Sanca, waxayna xulafadu duqeymahaasi ku sheegeen iney la beegsanayeen bartilmaameedyo militari.

Maalmihii lasoo dhaafay Isbaheysiga ayaa kordhiyay weerarrada ay ka fulinayaan magaalada Sanca oo Xuuthiyiinta gacanta ugu jirta.

Xulafadu waxaa kale oo ay sheegeen duqeymahaasi iney jawaab uga dhigayaa weerarrada gantaalaha iyo kuwa loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee ay Xuutiyiintu ku qaadaan Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa la sheegaa iney taageero xooggan ay ka helaan dalka Iran.

Isbaheysiga oo Sacuudiga horkacayo ayaa dagaal kula jira Xuutiyiinta Yemen in ka badan 7 sano.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post