744 Views

Faah faahin qaraxa ka dhacay Muqdisho & Booliska oo ka hadlay

Faah faahin qaraxa ka dhacay Muqdisho & Booliska oo ka hadlay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 23 2021–
Qaraxa uu jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne iyo Goobta Ganacsiga ee City Mall.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saddiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ka hortageen Nin isku soo xiray jaakad qarax oo doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee Ciidamada amniga ay eryadeen, taas oo keentay in Jaakada qaraxa uu iska tuuro ayna qaraxdo, qaraxaasna uusan geysan wax khasaaro ah.

“ Abaarihii 11:25 AM, ayeey Ciidabka Boliisku degmada Xamarweyne waxaa ay heleen xogta  qof isku soo xiray walxaha Qarxa kaa oo doonaya inuu isku qarxiyo Ummadda, ilaahay mahadiis ma u dhicin sidii uu rabay oo ciidanka ayaa ceyrsaday ka dibna jaakadda ayuu iska tuuray oo qaraxday cid khasaare ka soo gaaray ma jirin ayuu yiri” Afhayeenka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray Taliyaha Saldhiga Booliska Xamarweyne oo hoggaaminayay Ciidamo Boolis ah oo erynayay Ninka doonayay in uu is qarxiyo.

Xaalada Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan waxaa ay kusoo noqotay mid caadi ah, waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post