492 Views

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Sen. Cabdullaahi Timacadde oo baaq iyo tacsi ka soosaarey dhacdadii ka dhacdey Bosaaso

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare  Sen. Cabdullaahi Timacadde oo  baaq iyo tacsi ka soosaarey dhacdadii ka dhacdey Bosaaso
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Sen. Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa baaq iyo tacsi ka soosaarey dhacdadii maanta ka dhacdey Bosaaso, isaga oo ku hadlaayey magaca Xildbibaanada Puntland laga soo doorto.

Tacsi iyo Baaq Nabadeed.

Xildhibaanada Puntland ku matala Labada Aqalka ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxay ka xun yihiin dhacdadii Nasiib darrada ahayn ee maanta 11/07/2022, ka dhacday Magaalada Boosaaso.

ALLAH ha u naxariisto Dhalinyaradii ciidamada ka tirsanayd ee maanta halkaas ku geeriyooday, kuwa dhaawacmayna ALLAH ha u booga dhayo.

Xildhibaanadu waxay ku baaqayaan in la ilaaliyo nabadda, Midnimada iyo kala dambaynta Puntland.

Xildhibaanada Puntland ku matala labada Gole ee Baarlamaanka Federalku waxay markasta u taagan yihiin, ilaalinta midnimada iyo wada-shaqayn hufan oo dhex marta Dawladda Federalka ah iyo Puntland.

Waxaan ku baaqaynaa in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara kala fogaansho ku yimaada Dawladda Federalka iyo Puntland.

Ugu dambayn, waxaan ka codsanaynaa Dawladda Puntland, ganacsatada, qurbojoogta iyo cid kasta oo door ka qaadan karta in loo istaago gargaaridda dadka abaartu cayraysay iyo kuwa hadda la tacaacalaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post