1071 Views

Sheikh sharif oo xalay la kulmay taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Sheikh sharif oo xalay la kulmay taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Waxaa magaalada Muqdisho xalay kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo  taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada dalka iyo Cakirnaanta Muqdisho habeenadii la soo dhaafay iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdish ee ka dhalatay mudo kordhinta Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Sheekh Shariif ayaa ka codsaday Jeneraalka in Ciidanka milatariga aan loo adeegsan dano siyaasadeed iyo in lagu caburiyo dadka uu ku abtirsado taliyaha ee degan Muqdisho .

Sidoo kale Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed ayaa la sheegay in Sheekh Shariif ku wargaliyay in uusan diyaar u aheyn in ciidanka loo adeegsado dano siyaasadeed iyo hirgalinta mudo kordhinta sharci darada ee dowlada sameesatay.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post