141 Views

Itoobiya iyo Somaliland oo kala saxiixday is-afgarad ‘taariikhi ah’

Itoobiya iyo Somaliland oo kala saxiixday is-afgarad ‘taariikhi ah’
____________________________________________________________________________

ADDIS-ABABA — Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta kala saxiixday is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso riyadeedii ahayd inay marin u hesho Badda Cas.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in is-afargadku sidoo kale uu u oggolaanayo Itoobiya iyo Somaliland inay xoojiyaan iskaashigooda amniga, dhaqaalaha iypo siyaasadda.

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa baahiyey codka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa oo sheegay in dhinaca Somaliland ay aqoonsi ka helayaan Itoobiya marka la saxiixo heshiiska, inkatsoo aanu sheegin goorta la saxiixayo.

“Waxaa inoo farxad ah oo aan uga mahadnaqayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo itoobiyaba sidii aan ku heshiinay ee ku qoran halkan, in annaguna aan u oggolaano 20KM oo bad ah, iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan oo ay qaranka Somaliland dalwaddii ugu horraysay ee na aqoonsata noqon doonaan marka la saxiixo heshiiska,” ayuu yiri Muuse Biixi.

“20KM ee xeebta ee ciidamadooda aynu u oggolnahay inay degaan waa lease, waa kiro, siin maaha, bilaashna maaha,” ayuu intaasi ku daray.

Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo kaidb markii dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawladda Somaliland ay heshiis ku gaareen magaalada Jabuuti inay sii ambaqaadaan wadahadalkii u dhexeeyey.

_____________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post