834 Views

Wasiir Cabdirashiid Janan oo shegay in uu kulamo qarsoodi ah la qaatay madaxweyne Farmaajo & taliyaha NISA Fahad Yaasiin

Wasiir  Cabdirashiid Janan oo shegay in uu kulamo  qarsoodi ah la qaatay madaxweyne Farmaajo  & taliyaha NISA Fahad Yaasiin
____________________________________________________________________________

Wasiirka amiga dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulamo qarsoodi ah oo uu si gaar gaar ah ula qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) & taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Janan oo wareysi gaar ah siiyey Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Fahad Yaasiin uu ka dhacay isla Kenya, bishii March ee sanadkii 2019-kii, islamarkaana uu kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda Jubbaland, gaar ahaan iska horkeen uu sheegay inuu doonayey in lagu sameeyo qabaa’illada dega maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii uu arrintaasi sameeyo in loo ballan qaaday in meesha ay ka saarayaan dacwadda isaga loo heysto.

Wasiirka amniga Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday kulan kale oo dhex-maray isaga madaxweyne Farmaajo, kaas oo xilli habeen ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta nabad-sugida, sida uu ku sheegay wareysiga lala yeeshay.

Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa xusay in madaxweynaha uu xilligaan uu kala hadlay arrimaha la xiriira doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuuna sheegay inuu ka dalbaday in uu la shaqeeyo, balse uu ka ‘diiday’.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Villa Soomaaliya aysan dooneyn inay si dhab ah ula heshiiso Axmed Madoobe, islamarkaana ujeedka uu yahay in meesha laga saaro.

“Waxaan la kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxaa ii soo baxday in uusan diyaar u aheyn in uu la heshiiyo Axmed Madoobe, waxaa ii soo baxday khatar ah in  Shacabka Soomaaliyeed ee hal qoys isku ah oo degan Jubbaland in la isku diro oo dhibaato ka imaan karto shaqsiyan, waxaana u sheegay in arrintaasi sax aheyn asigana dani ugu jirin,” ayuu wareysigan ku yiri wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu dambeun wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ee u dhexeeyey ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda, wuxuuna sheegay in lagu soo qaaday dagaalkaasi, kadibna ay dib isaga gurteen isaga iyo ciidamadiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada weli ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay gobolka Gedo ay ku sugan yihiin degmooyinka gobolkaasi, waxaana marar badan madaxweynaha Jubbaland uu dalbaday in ciidamadaasi dib loogu soo celiyo Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post