2304 Views

Sidda Madaxweynaha Ertirea loogu soo dhaweeyay Addis Ababa

Sidda Madaxweynaha Ertirea loogu soo dhaweeyay Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | july 14, 2018 –  Madaxweynaha dalka Ertirea Isaias Afwerki ayaa Saaka booqasho ku tagay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethopia.

Waxaa la sheegay in booqashadaan Afwerki ay tahay rasmi ah oo uu Ethopia ku sugnaan doono mudo saddex maalmood ah, kadib marti qaad uu ka helay dhiggiisa Ethopia Abiy Axmed.

Xiriirka labada dal ayaa ahaa mid aad u xun mudo kabadan labaatan sano, waxaana uu isbedel uu ku yimid, markii Itoobiya shaacisay in ay aqbalayso heshiiskii Algeirs ee soohdinta laba dal ay isku hayaan, taa oo keentay  in Ertirea uu booqasho taariikhi ah uu ku tago Abiy Axmed, halkaas oo ay labada dal ku sheegeen in xaaladihii colaadda ee labadan dal lasoo afjaray.

Ethopia ayaa gashay xaalad Siyaasad fur-furnaan ah, tan iyo markii uu xilkan la wareegay ninka qowmiyada Oromiya kasoo jeeda ee Abiy Ahmed, oo noqoday kii ugu horeeyay ee dalkaas madax ka noqda ee kasoo jeeda qowmiyada Oromiya.

eritera-presedent-addisababa-3 eritera-presedent-addisababa-4 eritera-presedent-addisababa-2 eritera-presedent-addisababa-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment