1089 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Waajid

SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Waajid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta waxaa uu gaaray markii ugu horeeysay tan iyo markii la doortay degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

 

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha waajid kusoo dhaweeyey Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan koonfur Galbeed oo Waajid shalay gaaray iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Waajid u tegay  sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaalada dadka ku nool degmadaas iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan maadaama degmadaasi mudo dhowr sano ah ay u god’oonsan tahay Al-Shabaab.

 

Sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa,Mamaulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka,waxaana degamda waajid ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment