867 Views

Qadar “ Taalibaan annaga hanaga barato sida loogu dhaqmo shareecada Islaamka

Qadar “ Taalibaan annaga hanaga barato sida loogu dhaqmo shareecada Islaamka
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Qadar ayaa door muhiim ah ka cayaartay in wada hadal lala bilaabo Taaliban. balse haatan Qadar waxay niyad xumo ka muujisay hannaanka Taliban kaddib markii ay la wareegeen Afghanistan. Qadar waxay sheegtay in go’aanka kooxda ee gabdhaha uu ahaa mid aad niyad jab u leh.

Qadar waxay sheegtay in go’aankaasi ahaa mid dib u dhac ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in kooxda ay ku qasban tahay inay eegto sida xukuumadda Islaamiga ah ay uga howlgasho Qadar.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay caasimadda Dooxa iskula qabteen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Joseph Borrell. Kaddib markii ay xilka qabteen, Taaliban ma aysan oggolaan in la furo dugsiyada sare ee gabdhaha Afghanistan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa yiri, “Go’aannadii dhowaan ee Afghanistan waa kuwo nasiib darro ah. Tani waa arrin niyad jab weyn leh oo dib u dhac ah.”

Tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Afghanistan bishii la soo dhaafay iyo wixii ka horreeyayba, Qadar door gaar ah ayay ku lahayd dalkaas. Qadar waxay garoonka Kaabul ka daad-gureysay muwaaddiniin ajaanib ah iyo kuwo Afghanistan u dhashay tan iyo imaanshihii Taaliban.

Qadar sidoo kale waxay la shaqeysaa dowladda cusub ee Taliban waxayna ka shaqeyneysaa dib u furidda garoonka Kaabuu

Qadar oo ka niyad jabsan Taalibaan

 

Sheikh Mohammed ayaa yiri, “Waxaan u baahannahay inaan la shaqeyno. Waa inaan u sheegnaa inaysan qaadan go’aanno noocan ah. Waxaan sidoo kale u baahannahay inaan u sheegno si ay Taliban u fahmaan sida dalalka Muslimiinta ah ay ugu dhaqmaan shuruucdooda u gaarka ah iyo sida ay ula tacaalaan arrimaha haweenka.

Wuxuu yiri, “Taaliban waa inay Qadar u arkaan tusaale. Annagu sidoo kale waxaan nahay dal Muslim ah. Hannaankeenna sidoo kale waa Islaami. Haween ka badan ragga ayaa ku jira dowladda Qadar iyo waxbarashada sare.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Taaliban waxaa lagu eedeeyay meel ka dhaca xuquuqda aadanaha. Xitaa dad ayaa toddobaadkii la soo dhaafay lagu daldalay waddooyin ku yaalla Herat.

Kaddib markii ay xukunka qabsadeen, Taliban ayaa waddooyinka ku daldalay dad laga shakiyay. Dadka ayaa sheegay in Taaliban ay mar kale soo celiyeen dhaqamadoodii 1996 ilaa 2001

Waa ku dhowaad labo toddobaad inta aysan gabdhuhu iskuullada sare ku laaban. Markii ay haweenku waddooyinka ku dhigeen dibadbaxyada ay ku dalbanayaan xuquuqdooda, waxay sidoo kale la kulmeen iska caabbin. Sheikh Mohamed ayaa sheegay in Taliban ay tahay inay joogteeyaan hoggaankii ay hayeen sanadihii la soo dhaafay.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Joseph Borrell ayaa sidoo kale sheegay in waxa ay Taliban sameeyeen toddobaadyadii la soo dhaafay ay yihiin wax aad niyad jab u leh. “Waxaan rajeyneynaa in dowladda Afghanistan lagu soo celin karo waddada,” ayuu yiri. Waxaa rajeyneynaa in Qadar, iyadoo kaashaneysa saameynteeda xooggan, in Taliban ay ku dhiirri geliso inay aad uga fiirsato go’aamadeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post