825 Views

Qaban qaabadii ugu danbaysay ee Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka

Qaban qaabadii ugu danbaysay ee Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Saacadihii ugu danbeeyay ee Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka  ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho, waxaana jira Saxmad ku aadan arintaas oo laga dareemayo Wadooyinka magaalada Muqdisho.

Shirka oo loo qorsheeyay in uu furmo Maanta oo khamiis ah, ayaa laga dareemayaa in uu ku imaan karo dib u dhac kooban, waxaana Madaxda maamul Goboleedyada aysan wali soo gaarin Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Xalay Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) waxaana sidoo kale saacad ka hor soo gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaana haatan wali muqdisho soo gaarin  Hir-Shabeelle, Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa la sheegay in uu asalkiisu yahay heshiiskii 17-kii September, waxaana Midowga Mushatixiinta ay dalbadeen inay shirkaasi ka qeyb galaan, iyada oo ay xusid mudan tahay in aysan kamid aheyn saxiixayaashii heshiiskii 17-kii September.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post