102 Views

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Riyaad Uga Qeybgalay Shirka Dalalka Iskaashiga Islaamka

____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee dalalka Islaamka.


Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qorshaha fog ee la dagaalanka kooxaha loo aqoosaday Argagixisada waxaana kasoo qeyb galay Dowladaha Xubnaha ka ah Isbahaysiga Islaamka ee la iyo Dowladaha taageera.


Shirkaan ayaa u ahaa mid muhiim ah Soomaaliya, Maadaama dalkeena hadda ay ka socdaan dagaalka iska xoreynta khawaarijta waxuuna ku soo dhamaaday guul iyo in Soomaaliya laga taageero la dagaalanka Argagaxisada iyo ciribtirayo fikirka Xagjirka ah.


Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dalka Sacuudi kulan duceedyo kula qaatay Taliyayaasha Ciidanka Xoogga ee dalalka Sacuudi, Kenya, Jabuuti, iyo Xogyaha guud ee Isbahaysiga islaamka isagoona ugu warbixiyey Guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.


Isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ayaa la aas aasay sanadkii 2015 waxaana ku mideysan 45 dowladood, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya laga qaaday cuqabateynta Hubka.

_________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post