2016 Views

Uganda: Hubinta Caafimaadka Martida ka qaybgaleysa Caleemo-saarka Museveni waxaa ku baxday in ka badan $200 Kun.

Uganda: Hubinta Caafimaadka Martida ka qaybgaleysa Caleemo-saarka Museveni waxaa ku baxday in ka badan $200 Kun.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| May 12 202-Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa hubinta Caafimaadka Martida lagu casuumay ka qaybgalka Caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni ku bixisay in ka badan 700 oo Milyan Shillinka dalkaas ah una dhiganta $196,911.89 (Boqol iyo sagaashan iyo lex kun, sagaal boqol, toban & koow, iyo siddeetan iyo sagaal senti).

Lacagtaas ku baxday Martida waxaa loo adeegsaday fulinta Adeegga hubinta caafimaadka in ay ka badqabaan Covid-19, dadka munaasabadda lagu casuusay waa 4,000 oo ruux oo marti gudaha iyo dibadda ka kala timid.

Baarista PCR oo qiimo ahaan ku kacaya Kun & siddeed boqol oo shilinka Uganda ah una dhiganta $50 ayuu maray qof weliba oo kamid ah martida ka qaybgaleysa Xafladda Caleemo-saarka Madaxweyne Museveni oo markii lixaad ku guuleystay Doorashada.

Dadka la baaray ee Xafladda ka qaybgalaya ayaa kala ah: Suxufiyiinta, Saraakiisha ammaanka madaxda ilaalineysa & Shaqsiyaad kale, Wasiirka Caafimaadka Uganda Dr. Jane Ruth Aceng waxa uu sheegay in martida aysan helin Natiijo ay ku tagaan Albaabka Hoolka Xafladda oo uu ula jeedo baarista lagu sameeyay haddii laga helay Covid-19 iyo in kale.

Wasiirka Caafimaadka waxa uu dhanka kale sheegay in aan la aqbaleyn in Madaxda ay is gacan-qaado ama laabta is geliso, waxaana loo diyaariyay Jeermis dhaqe Hand Sanitizer, iyaga oo xiran doona Marada afka & sanka daboosha (Face Mask).

Madaxda lagu casuumay ka qaybgalka Caleemo-saarka iyo dhaarinta Yoweri Museveni waxaa kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi iyo wafdi ka raacay Magaalada Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post