744 Views

Waan waan ay wadaan beesha caalamka iyo bulshada rayidka iyo dhaqanka oo ka socda muqdisho.

Waan waan ay wadaan    beesha caalamka  iyo  bulshada rayidka iyo dhaqanka  oo ka socda muqdisho.
____________________________________________________________________________

 April 11-4-2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay socdaan dadaallo xoogan oo ay wadaan dhinacyo kala duwan, kuwaas oo la doonayo in la’isugu soo dhoweeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Wararka ayaa sheegaya in dadaalada ay qeyb ka yihiin wakiilada beesha caalamka, siyaasiyiin, hoggaanka ururada bulshada rayidka iyo dhaqanka.

Ilo ku dhow dhinacyada wada dadaalladaasi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa dowlad goboleedyada ay ka cagajiidayaan waan-waanta laga dhex-billaabay ee lagu doonayo in dib loogu sii amba-qaado wada-hadallada.

Sidoo kale xubnaha wada dhex-dhexaadinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonto waan-waantooda, isla-markaana ay dib u billaaban doonaan shirarkii u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post