1080 Views

Weerar lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada liyuu Boolis

Weerar lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada liyuu Boolis
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 16, 2021–Ciidama ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Deegaanka ee liyuu Boolis oo gaaraya ilaa  Afar Askari ayaa waxaa lagu dilay Barqanimadii maanta Senterka Goohweyne ee Degmada Shilaabo oo ka tirsan Gobolka Qoraxeey ee dowlad degaanka Soomaalida.

Maleeshiyaad bubeysan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Ciidamada, waxaana weerarka uu ka dhacay  Bar-kantarool oo ku Taallo deegaanka Goohweyne, iyada oo ay goobtanka baxsadeen maleeshiyaadka hubeysnaa  oo watey Gaari nooca raaxada ah.

Ciidamada liyuu Booliska ayaa waxaa ay bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii dadkii weerarka geystay, iyaga oo xir xiray dad Shacab ah oo ku sugnaa degaanka uu weerarka ka dhacay.

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Ciidamada liyuu Boolis weli kama hadlin weerarka lagu dilay askarta ka tirsan Ciidamada, waxaana xusid mudan in degaanka weerarka uu ka dhacay ay dhowr jeer ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post