939 Views

NISA oo dal Shisheeye ku Eedeysay qarixii ka dhacay Ex-Koontorool Afgooye

NISA oo dal Shisheeye ku Eedeysay qarixii ka dhacay Ex-Koontorool Afgooye
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 30–2019 | —kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dowlado Shishiiye ay ku lug leeyihiin qarixii khasaaraha badan geystay ee Maalin ka hor ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho.

 

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in qaraxaas ay ku lug leedahay Dowladd Shisheeye balse ay sheegin dowladadaas.

 

 

 

“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baaritaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis ayaa lagu yiri Warka NISA.

 

Sidoo kale Hay’adda NISA waxaa ay ku sheegtay qoraalkeeda si loo dhameystiro baaritaanka ay wadaan ay la kaashan doonaan sirdoonka Hay’ado Caalami ah.

 

Hadalkaan kasoo baxaya Hay’adda Nabadsigida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Wargeys kasoo baxa dalka turkiga uu ku eedeeyey dowladda Imaaraadka Carabta ay ku lug leedahay qaraxa in ka badan 20 Ruux ay ku geeriyoodeen ee ka dhacay Magaalada Muqdis

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment