1584 Views

Waxgaradka beesha Ebakar-gaab Macalin Dhiblaawe oo ka horyimid saami qeybsiga xildhibaanada

Waxgaradka beesha Ebakar-gaab Macalin Dhiblaawe oo ka  horyimid saami qeybsiga xildhibaanada
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 7 2021

Waxgaradka beesha Ebakar-gaab Macalin Dhiblaawe oo ka mid ah beesha Waceysle ee Abgaal maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid saami qeybsiga xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee beeshooda.

Kuraastaan ay beesha Ebakar-gaab Macallin cabashada ka qabto waxay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, waxayna baaq u direen madaxweynaha Galmudug.

Waxgaradka beeshaan ayaa madaxda dowladda federaalka iyo tan Galmudug ka dalbaday inaan lagu hungoobin in la duudsiiyo kuraas ay iyagu xaq u leeyihiin.

War-murtiyeed ka soo baxay beesha Ebakar-gaab Macallin oo laga shaaciyey shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay cabashada ay beeshu ka qabto hanaanka loo qeybiyo kuraas ugu darsan beesha Waceysle.

Waxgaradka beeshaan oo warbaahinta la hadlay ayaa beesha Waceysle ka dalbaday in si cadaalad ah sanadkan oo qeybiyo kuraasta, maadaama ay soo dul qaadanayeen mudo dheer oo sida ay sheegeen ay ka maqnaayeen kuraas ay xaq u leeyihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post