1716 Views

Qaxooti Soomaali Ah Oo Si Xun Loogu Dhaawacay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Qaxooti Soomaali Ah Oo Si Xun Loogu Dhaawacay Duqeyn Ka Dhacday Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 18, 2019–Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR waxay sheegtay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray Duqeymihii ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga Khamiistii la soo dhafaay ka geysteen caasimadda dalkaasi ee Sanca.

 

Hay’adda UNHCR waxay sheegtay inay jiraan Qaxooti ay dhawaacyo iyo waxyeello ka soo gaartay Duqeymahaasi.

 

Warbixinta Hay’adda UNHCR waxaa lagu muujiyey in Haweeney Soomaali iyo gabadheeda ka mid yihiin dadka Qaxootiga ee lagu daawacaynayo Isbitaalladda ku yaalla magaalladda Sanca.

 

Haweeneyda Soomaali iyo gabadheeda oo ka mid ahaa Qaxootiga ku nool magaalladda Sanca waxaa la sheegay inuu soo garaay dhawaac culus.

Xiriiriyaha Samafalka ee dalka Yemen, Liise Grande waxay sheegtay inay xanuunka la qeybsanayso qoysaska Dhibanayaasha, isla markaana ay ka naxeen weerarka bahalnimadda ee lala beegsaday.

 

“Shilkan argagaxa leh waa tiiraanyo mahadho leh, waxaana loo baahan yhaya in dagaalka la joojiyo, Sharciga Caalamiga ee Smaafalka Aadminimadda waa mid iska cad” ayey tiri Liise Grande.

 

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga duqeyn la beegsadaan dad Qaxooti ah, iyadoo la og yahay in ugu yaraan 32 qof oo Somali ah lagu dilay duqeyn ay Diyaarad Helikopter oo ay Isbahaysigu leeyihiin la beegsadeen, xilli ay ku safrayeen dooni maraysay meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee dalka Yemen.

 

Doonidaasi waxaa la socotay 145 Qaxooti Soomaali ah oo ku sii jeeday dalka Sudan, waxaana duqeyntaasi lagu dhaawacay 29 Somali oo 6 ka mid carruur ahaayeen, waxaana raqdooda iyo ruuxood la waayey 10-kale.

 

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 275,000 oo Qaxooti ah ayaa ku sugan gudaha Yemen, kuwaasi oo in ka badan 90% yihiin Qaxooti Soomaali ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment