579 Views

Ruushka oo sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine oo sidday hub iyo rasaas.

Ruushka oo  sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine oo sidday hub iyo rasaas.
____________________________________________________________________________


Sabti: June 4, 2022

Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine oo sidday hub iyo rasaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradda xamuulka ee Ukraine lagu soo riday meel u dhow dekedda Odesa ee Ukraine.

Moscow ayaa sidoo kale sheegtay in ay weerar gantaalo ah ku qaadday dhowr bartilmaameed oo ay ku jiraan xaruun lagu tababaro ciidamada madaafiicda Ukraine oo ku taal Stets-kovka oo u dhow Sumy.

Ruushka ayaa sheegay in macallimiin ajaanib ah ay xaruuntaasi ka shaqeeyeen.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiigga Ruushka Igore Konashenkov wuxuu sheegay weerar dhinaca gantaalaha oo ay ciidamadoodu fuliyeen in lala beegsaday bartiilmameedyo ay ka mid yihiin fariisimaha ciidamada Ukraine iyo xaruumo ciidmada Ukraine lagu tababaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post