1005 Views

Labo shaqaale oo Thailand ah oo ku dhintay ugu yaraan 5 Israa’iiliyiin ahna way ku dhinten Weerar gantaal ah

Labo shaqaale oo Thailand ah oo  ku dhintay ugu yaraan 5 Israa’iiliyiin ahna way ku dhinten Weerar gantaal ah
____________________________________________________________________________

May 18 2021
Labo shaqaale oo Thailand u dhashay ayaa ku dhintay ugu yaraan toban Israa’iiliyiin ahna way ku dhaawacmeen gantaal ay dagaalyahannada Falastiin ku rideen koofurta Israa’iil. Weerarkan ayaa ka dhacay marinka Erez ee Israa’iil, kaas oo loo adeegsado dadka isticmaalaya marinka Gaza.

Iyadoo taas ka jawaabeysa ayay Israa’iil xirtay marinka Shalom oo si ku meel gaar ah loogu furay gawaarida xamuulka ee gargaarka sida ee Joordan.

Xadka Gaza ee Masar, 15 gawaarida xamuulka ah oo shidaal sida ayaa u gudbay gayigaas, oo intiisa badan koronto la’aan ahaa. 18 kale oo siday cunto iyo 65 tan oo gargaar caafimaad ah ayaa ka gudbay marinka Rafax.

Dhanka kale, xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa caddeeyay in Washington ay ka shaqeyneyso sidii labada dhinacba ay u joojin lahaayeen rabshadaha socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post