1290 Views

Mucaaradka oo Farmaajo ku eedeeyay carqaladeyta wadahadallada midowga musharraxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Mucaaradka oo  Farmaajo ku eedeeyay  carqaladeyta  wadahadallada midowga musharraxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha.
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu carqaladeynayo wadahadallada midowga musharraxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagaldaacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga”

“Kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay midowga musharraxiinta.

Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in la fashiliyo wadahadallada u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo mucaaradka.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda inay ilaaliso amniga shacabka ka qeybgeli doono dibadbaxyada ay ku dhawaaqeen in Sabtida ay ku qaban doonaan fagaaraha Daljirk Dahson.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli shaley Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo midowga musharraxiinta ay kulan ku yeesheen Muqdisho, waxayna ku heshiiyeen in mucaaradka ay qabsadaan dibadbaxyo nabdoon ammaankiisa ay xaqiijiso dowladda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post