1299 Views

Booliska Norway oo sheegay inay fashiliyeen shabakad abaabulan oo isku xiran

Booliska Norway oo  sheegay inay fashiliyeen shabakad abaabulan oo isku xiran
____________________________________________________________________________

Jimco: June 25 2021

Booliska Norway ee gobolka Tromso ayaa sheegay inay fashiliyeen shabakad abaabulan oo isku xiran oo Soomaali u badan, kuwaasoo daroogo u kala gudbin jiray magaalooyinka Oslo iyo Tromso

Shabakadan ay boolisku sheegeen inay qabteen ayaa ka kooban ilaa dhowr iyo toban qof, waxeyse boolisku sheegeen inay jiraan 9 nin oo horjoogayaal u ahaa shabakadan kuwaasoo da’doodu u dhaxeyso 20 illaa 50 sano.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in kooxdan ay aad isku abaabuleen marka la fiiriyo qaabka ay daroogada u tahriibinayeen iyo qaabka ay lacagaha kaashka ah ee daroogada kasoo xaroodo u soo qaadi jireen.

Waxay intaas raaciyeen in kooxdan ay bil walba daroogo badan u kala tahriibin jireen Oslo iyo Tromsø tan iyo sanadkii 2018

“Kooxdan waxay u badanyihiin dad Norwiiji ah, balse asal ahaan Soomaali ah waa 11 qof oo eedeysanayaal ah oo kiiskan lala xiriirinayo” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska oo sidoo kale lagu xusay inuu soo dhamaaday baaritaanka Booliska ee kiiskan, ayna u gudbin doonaan Maxkamad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post