312 Views

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo lagu wado in ay gaaran Gobolka Bakoo kadib Dagaalkii Yeet

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo lagu wado in ay gaaran Gobolka Bakoo kadib Dagaalkii Yeet
____________________________________________________________________________

 Sabti: July 23, 2022

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanada ka tirsan BFS ee ka soo jeeda Gobolka Bakool lagu wado in ay gaaraan deegaano ka tirsan Gobolka Bakool oo dagaal culus ay ku qaadeen dagaalameyaasha Al-shabaab

Wararka ayaa intaa ku daraya in xildhibaanada ay gurmad gaarsiin doonaan deegaanada ay saameynta ku yeesheen dagaalka, islamarkaana loo gurmado dadka ay saameynta ku yeesheen dagaalka.

Sidoo kale Xildhibaanada la filayaa in ay u guur galaan xaalada bini’aadinimo ka jirto deegaanada ka tirsan Gobolka Bakool.

R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan amar ku bixiyay in loo gurmado dadka ay saameynta ku yeesheen dagaalka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool.

Waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed ay shegeen in Gobolka ay jirto xaalad adag, maadaama dad kasoo barakacay abaaraha ka jira degaanada Gobolka Bagool ay markale ka barakaceen dulaanka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Gobolka Bakool

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post