975 Views

Beesha Caalamka oo ka hadashay heshiiskii Baydhabo

Beesha Caalamka oo ka hadashay heshiiskii Baydhabo
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
War-saxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay natiijadii kasoo baxday shirkii ay magaalada Baydhabo ku yeesheen Guddiga Farsamo ee ku howlanaa xallinta khilaafka doorashada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi: “Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.

“Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.”

Heshiiska kasoo baxay shirka Baydhabo ayaa horseedaya in hannaan loo sameeyo doorashada waqtigeeda ka habsaantay Soomaaliya, murankeeduna uu muddo dheer jiitamayay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post