1077 Views

Yaxaasyo Baxsad ah oo la baadi goobayaa markii ay ka soo baxsadeen beer lagu xanaaneynayay oo ku taal Koonfur Afrika

Yaxaasyo Baxsad ah oo  la baadi goobayaa markii ay ka soo baxsadeen beer lagu xanaaneynayay oo ku taal   Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

5– Marso, 2021

Tiro yaxaasyo yar yar ayaa la baadi goobayaa ka dib markii ay ka soo baxsadeen beer lagu xanaaneynayay oo ku taal gobolka Western Cape ee Koonfur Afrika.

Ilaa 27 yaxaas ayaa haatan gacanta lagu dhigay oo la qabtay laakiin saraakiishu waxay qireen in aysan garaneyn inta ay la egtahay tirada yaxasyada baxsadka ah.

Yaxaasyada ayaa la amminsan yahay inay ka baxeen meel uu ka banaanaa xayndaabka beer lagu xanaanaynayay oo ku taal deeganka Bonnievale, waxayna galeen wabiga Breede oo beerta agteeda mara.

“Run ahaantii xayawaanadan duur joogta ah aad ayay halis u yihiin inkasta oo meel lagu hayay,” waxaa sidaasi sheegay Petro Van Rhyn oo ah afhayeen u hadashay waaxda duurjoogta ee gobolka Western CapeNature

“Dadku waa inaysan u dhowaan yaxaasyadan oo ay ka fogaadaan webiga inta laga qabanayo dhammaantood..”

Yaxaasyadan, oo la rumeysan yahay inay dhererkoodu gaarayaan 1.5m (4ft 11in), ayaa baxsaday Arbacadii.

CapeNature waxay sheegtay in boolisku unug gaar ah u xil saaray soo qabashada yaxaasyadaas waxaanay adeegsanayaan dabinno ay dhigayaan webiga gebigiisa.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post