555 Views

Weriyeyaal lagu qabtay iyaga oo hawada ku xamanaya ciyaaryahan caan ah

Weriyeyaal lagu qabtay iyaga oo hawada ku xamanaya ciyaaryahan caan ah
____________________________________________________________________________


khamiis:January 13, 2022

Labo weriye oo caan ah oo daadihiya barnaamij wararka oo toos uga baxa taleefishin dalka Australia ayaa lagu heley iyaga oo xamanaya, haddalo aan fiicnayna ka sheegaya ciyaaryahan caan ah oo dhanka kubadda teniska oo u dhashay dalka Serbia.

Mike Amor iyo Rabecca Maddern ayaa laga faafiyay muuqaal laga duubay waxyar ka hor intii aysan hawada galin iyaga oo ciyaaryahanka Novak Djokovic ku tilmaamay ‘beenloow’ iyo nin aan runta raad ku lahayn.

Waxa ay ka hadlayeen murankii dhowaanta ka dhashay fiisaha ciyaartoowgan oo aanan laga talaalin cudurka Karoonaha, balse sidaas oo ay tahay loo ogolaaday in uu ka qeybgalo tartan ciyaarta teeniska oo ka dhacaya dalkaasi.

Taleefishinka Channel 7 ayaa bilaabay baaritaan la xiriira cidda faafisay muuqaalka oo hadal hayn badan ka dhaliyay dalkaasi.

“Novak been ayuu sheegayaa ” ayay tiri Rabecca oo ka hadlaysay qirasho uu sameeyay ciyaaryahanka oo ah in waraaqihii uu fiisaha kusoo codsaday ay ku jireen qaladaad aan ula kac ahayn.

Taleefishinka ayaa sheegay in arrintani ay ahayd wada sheekeysi gaar ah oo aysan ahayn in bannaanka loo dusiyo.

Inkasta oo ay carro ka dhalatay hadalka weriyeyaashan, haddane dad badan oo isticmaala Baraha Bulshada ayaa taageeray weriyeyaashan oo ay ku tilmaameen kuwa runta abbaaray.

Maalintii isniintii ayay maxkamad u ogolaatay ciyaaryahankan in uu soo galo dalka inkasta oo aanan laga talaalin cudurka Karoonaha oo uu diiday in laga talaalo.

Arrintan ayaa imanaysa xilli dadka Australia ay ku noolyihiin mid ka mid ah xayiraadaha ugu adage e adduunka ee la xiriirta cudurka Omicron

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post