567 Views

Pakistan: Roobab xooggan oo sababay oo sababay dhimashada boqolaal qof

Pakistan: Roobab xooggan oo sababay oo sababay dhimashada boqolaal qof
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 27, 2022

Ugu yaraan 900 oo qof ayaa ku dhintay dalka Pakistaan, iyadoo roobab xooggan oo sababay daadad ay ku dhufteen qeybo badan oo ka tirsan dalkaasi.

Dhibanayaasha ayaa badankood ka soo jeeda Waqooyi Galbeed ee gobolka Khaybar, halkaas oo mas’uuliyiintu ay soo aareen digniino hor leh.

Webiga Kabul ayaa qararka jabsaday, isagoo cagta mariyay guryo iyo hoteello. Dadka ku nool degmooyinka qaar ayaana lagu wargeliyay inay meelo kale oo ammaan ah u guuraan.

Ku dhowaad kun qof ayaa ku dhintay roobabka iyo daadadka tan iyo bishii June dowladda ayaana halkaasi ku daad gureyneysa ciidamo caawiya saraakiisha gudaha ee ka shaqeynaya howlaha samata bixinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post