747 Views

Xildhibaanada qaar ee qaatay shahaadada Xildhibaanimo oo la shaaciyay

Xildhibaanada qaar ee qaatay shahaadada Xildhibaanimo oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Xarunta Muqdisho ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxaa si habsi maleh ugu socoto maalintii 2-aad Shahaado siinta Xildhibaanada labada gole ee dhawaan la doortay.

Guddiga ayaa soo saaray liiska xubnaha Xildhibaanada labada gole ee qaatay shahaadada xildhibaanimo, kuwaas oo gaaraya 9 mudanayaal oo iskugu jira Aqalka Hoose iyo kan Sare.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri “Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran:

1. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) HoP#166
2. Mohamed Abdullahi Keyse HoP#073
3. Sadiya Yasin Haji Samatar HoP#129
4. Hassan Abdi Ismail HoP#217
5. Omar Ibrahim Hashi HoP#114
6. Roda Arab Abdi HoP#219
7. Khadra Mohamed Tukale HoP#274
8. Sahra Olad Abdi HoP#018
9. Zamzam Dahir Mohamud AS#12

Wali waxaa xarunta Guddiga kusii qul qulaya xildhibaano dhowr ah, kuwaas oo raba in ay shahaadada Xildhibaanimo kasoo qaataan xarunta Guddiga ee Airport Hotel, balse xildhibaanadii ugu horeeeyay ee saakay qaatay shahaadada Xildhibaanimo waxaa ay ahaayeen kuwa laga soo doortay Maamulka Koofur Galbeed maadama shalay midna uu ka qaadan shahaadada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post