930 Views

Gabdho Somali ah oo mid ka mid ah la dhalatay Xildhibaan abtidoon oo xalay lagu dilay Austria

Gabdho Somali ah oo mid ka mid ah la dhalatay Xildhibaan abtidoon oo xalay lagu dilay Austria
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil xalay Nin Soomaali ah uu ugu geestay  laba gabar oo Soomaali ah  xaafadda Favoriten ee magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria.

Wararka ayaa sheegaya in Booliska xalay lagu soo war galiyay arintaas ayna gaareen goobta falka ka dhacay, waxayna halkaas ugu tageen  meydka laba gabdhood oo Soomaali ah oo da’dooda lagu kala sheegay 35 jir iyo 37 jir.

Sidoo kale Mid ka mid ah gabdhaha ayaa lagu magacaabay Shurki Axmed Abtidoon, halka gabadha kalena lagu magacaabo Faadumo Maxamed Xirsi. Shukri ayaa la dhalatay xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya. Waxaan Ciidamada amaanka isku dhiibay shaqsigii dilka geestay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post