564 Views

Gobolka Rift Valley ee dalka Kenya waxaa dabaal dag ku samaysay, Linet Chepkorir ‘Toto’, oo 24 jir ah kana mid Noqotay baarlamaanka Kenya

Gobolka Rift Valley ee dalka Kenya  waxaa dabaal dag ku samaysay, Linet Chepkorir ‘Toto’, oo 24 jir ah kana mid Noqotay baarlamaanka Kenya
____________________________________________________________________________

.

Axad: AUGUST 14, 2022

Tuulada fog ee Chemomul, ee ismaamulka Bomet, ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya, ayaan waxaa dabaal dag ku samaysay, Linet Chepkorir ‘Toto’, oo 24 jir ah, taasoo heshay codad gaaraya 242,775 cod.

Waxay ka guuleysatey siddeed murashax oo kale, oo kula tartamayey kursi xildhibaanimo ee doorashada guud ee ka dhacday talaadadii lasoo dhaafay dalka Kenya.

Inta badan jagada xildhibaanimada, ayaa waxaa u taratamaya oo loo doortaa siyaasiyiin rug cadaa ah, oo in muda ah kusoo jiray siyaasadda.

Linet Chepkorir ‘Toto’, ayaa noqotay haweeneyda ugu da’da yar ee wakiilla, oo ku biirta baarlamaanka Kenya, doorashadan dhacday sanadkan 2022-ka.

Tani ayaa noqoneysa shaqadii ugu horeysay ee ay qabato Linet. Waxay kasoo jeedaa qoys dakhligoodu yar yahay, iyadoo ah dada saddexaad, ee qoyska Richard Langat, iyo xaaskiisa Bety Langat.

Linet ayaa sheegay inay adag tahay in lagala horyimaado tartan siyaasiyiin dhaqaale badan heysta.

Waxay ku qiyaastay lacagta kaga baxday ololaha doorashada Kenya ee Sanadkan 2022-ka Ksh100,000, iyadoo dhaqaalaha kale ku tilmaantay inuu ka yimid dad wanaag jecel, iyo saaxiibo leh dareen siyaasad oo wanaagsan.

Farxad, raynrayn, qoob ka ciyaar iyo oohin, ayaa ka dhacdey tuuladeedii, markii lagu soo dhaweeyey gurigeeda.

Caqabadii ugu waynayd ayaa ahayd markii ay bilawday hawsha murashaxnimada, sidii ay ugu qancin laheyd beesheeda iney tartami karto, guulna ay gaari karto.

Guud ahaan codbixiyeyaasha ayaa su’aal ka keenay in aanay qaban Karin gabadhan yar jagadan, maadaama aanay guursan.

Gabadhan dada yar, ayaanan lahayn khibrad shaqo, mana haysato lacag ay bixiso.

Farriinta ay u dirtay dhammaan gabdhaha, ayaa ah “weligiin ha quusanina”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post