993 Views

Wafuud kala duwan oo Maanta tagaya Kismaayo

Wafuud kala duwan oo Maanta tagaya Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, -2019 —Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Maanta oo Axad ah la filayaa inay tagaan wufuud kala duwan,kuwaas oo doonaya inay ka qeyb-galaan munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

 

Wufuudaan aya a la filayaa inay ka kala tagaan Magaalooyinka Muqdisho,Garoowe iyo Nairobi,waxana ku jira Siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.

 

Magalada Kismaayo ayaa waxaa hataan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee manta tegaya,, iyada oo amniga Guud ee Magalada Kismaayo aad loo adkeeyay,isla markaana lagu arkayo Ciidamada Jubbaland oo amaanka xaqiijinaya.

 

Shalay waxaa Magalada Kismaayo gaaray Madaxweynihii hore ee Galmudug C/Kariin xuseen Guuleed iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam,kuwaas oo diyaarad khaas ah ay ka keentay Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Dowladda Soomaaliya oo aan xilligaan la dhacsaneyn waxa ka socda Magalada Kismaayo ayaana ilaa iyo hadda ka hadlin diyaarada katimid Nairobi ee siyaasiyiinta ka dejisay Magalada Kismaayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment