2763 Views

Madaxweyne Mustafe Cumar Oo Amar Siiyey Ciidamada Liyuu Boolis

Madaxweyne Mustafe Cumar Oo Amar Siiyey Ciidamada Liyuu Boolis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 09, 2018–Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa Ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ciidammada Liyu booliska iyo ciidammada booliska caadiga kula dardaarmay inay dhowraan sharciga dalka islamarkaasna ay ka shaqeeyaan danaha shacabka.

” Waa in aad fulisaan dardaarankeeni ahaa in xuquuqda insaanka la ilaaliyo, oo wixii hore aad qabanayseen ee shaqooyin ahaa ee faraha badnaa aad ku dartaan in dadkii aad ka dhalteen ee aad u dhalteen iyagana aad ka farxisaan darajooyin iyo abaal gudyo baad heli doontaan” ayuu madaxweyne Mustafe Cumar oo la hadlayay ciidammada booliska.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidammada inay iska ilaaliyaan tallaabo kasto oo xadgudub u horseedi karto shacabka ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan wanaaga marka ay howshooda gudanayaan.

Mustafe Cumar ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda.

Wuxuu yiri “Hadday noqoto qaabka amar qaadashada qaabka loo wada shaqaynayo loo xiriiriya waxyaabo sharciga qoraya ayaa jiraa kuwaa aan raacno, uma baahnin wixii cusub, wixii qoran ee meel ku yaalla ayaan raacaynaa”

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in tabbabarkii ay qaateen ciidammada booliska iyo Liyu booliska ay wax ka baddali doonto noloshooda iyo qaabka ay u howlgalaan.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa hadalkan sheegay xillii xalay uu hoggaaminayay munaasabad lagu dalacsiinayay qaar kamid ah taliyeyaasha cusub ee ugu sarreysa ciidammada Liyu booliska.

Tabbabarada loo soo gabagabeeyay ciidammada Liyu booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayay mas’uuliyiintu sheegeen in looga golleeyahay in ciidammada ay la jaan qaadaan isbaddallada ka socda dalka Itoobiya.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment