1161 Views

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Qaabilay Safiirka Boqortooyada Midowday

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Qaabilay Safiirka Boqortooyada Midowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 18, 2019 –Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya  Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Magalada Muqdisho Mudane David Concar, Safiirka Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanku socday ayay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo habkii loo xoojin lahaa dhinacyo kala duwan, waxa kale oo ay isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida inteeda kale oo ahaa wax labada dal muhiimad u leh.

Safiirka Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya David Concar ayaa dhowr mar yimid Magalada Muqdisho,waxana uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment