807 Views

Faahfaahin Iska horimaad dhexmaray Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya

Faahfaahin Iska horimaad dhexmaray Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 26 2020
—Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo gaar ahaan degmada Baledxaawo ayaa waxa ay sheegayaan in israsaaseyn kooban ay dhexmartay Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan Xadbeenaadka Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Iska horimaadka ayaa yimid ka dib markii Ciidamadda Kenya ayaa rasaas ku fureen dad shacabka ah oo ku banaan baxayay xaduud beenaadka u dhaxeeya Baladxaawo iyo Mandheera.

Ciidanka xoogga ayaa rasaas uga jawaabay tilaabada ay qaadeen Ciidanka Kenya, waxaana labada dhinac dhexmaray iska horimaad kooban.

Saraakiisha labada dhinac ayaa ku guuleystay hakinta iska horimaadka, waxaana la sheegay in hadda xaaladdu ay tahay mid degan.

Waxaa jira khasaare dhaawac ah oo labada dhinac soo kala gaaray.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post