1008 Views

Nin hubeysan oo weeraray Xaflad Aroos ah gobolka Mudug

Nin hubeysan oo weeraray Xaflad Aroos ah gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2019 —Wararka naga soo gaaraya degaanka Lulubsho ee Gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad ka qeyb galayay Munaasabad Aroos ah.

 

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u xaqiijiyay in rasaasta uu furay Ruuxa hubeysan  uu ku dhintay hal ruux, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2 Ruux.

 

 

 

Dadka dhaawacmay ayaa lasoo qaaday Isbitaa ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana la sheegay in xaaladooda Caafimaad ay Wanaagsan tahay.

 

Ninka hubeysan ee rasaasta ku furay Arooska ayaa la sheegay in uu baxsaday, islamarkaana hadda ay ku raad jooggaan Odayaasha dhaqanka degaanka.

 

Degaanka  Lulubsho ayaa ka mid ah degaanada hoos yimaada degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment