747 Views

Somaliland: Qof kale oo u geeriyooday Coronavirus & kiisas Cusub oo la helay

Somaliland: Qof kale oo u geeriyooday Coronavirus & kiisas Cusub oo la helay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 10 2020–Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomalailand Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa waxaa uu sheegay in hal qof uu Maanta Cudurka u geeriyoodey sidoo kale laga helay 6 Qof oo Cusub.

Qofka Cudurka Maanta u geeriooday ayaa waxaa uu sheegay in laga soo qaaday Magaalada Berbera,waxaana uu noqonayaa qofkii Shanaad oo deegaannada Soomalailand ugu geeriyooda Cudurka Coronavius.

 

Lixda qof ee cusub ee laga helay cudurka COVID 19 ayaa tirada guud ee dadka laga helay cudurka deegaannada Soomalailand waxaa ay ka dhigeysaa 40 Ruux.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment