186 Views

Gudoomiye Sh. Adan Madoobe oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi kasocda QM

Gudoomiye Sh. Adan Madoobe oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi kasocda QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | May 11, 2023 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxa Xafiiska Doorashooyinka iyo Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay Mudane Serge G. Kubwimana, Marwo Mikyong Kim, oo ah Xafiiska Siyaasadda Doorashooyinka, La-Taliye Sare ee Gobolka ee arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta Dowlad-wanaaga ee UNDP Mudane Luis Martinez betanzos iyo Mudane Walter Lotze oo ah Madaxa Bariga Afrika ee Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda ee QM.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxda Xafiiska Doorashooyinka QM iyo UNDP ayaa ahmiyada koowaad siiyay doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta nooca ay noqon karto, iyagoo kawada hadlay sidii dalka ugu dhici laheyd doorasho ka duwan midii hore loo soo arkay.

Dhanka kale Madaxda QM iyo UNDP ayaa xusay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta baarlamaanka, tayeynta aqoonta shaqaalaha Golaha iyo xildhibaannada, iyagoo sheegay in ay gacan ka geeysan doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharuucda muhiimka u ah dalka.

____________________________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post