849 Views

Xildhibaanada reer Uganda oo aan qaadan tallaalka cudurka Corona oo loo ogolaan doonin inay galaan dhismaha baarlamaanka

Xildhibaanada reer Uganda oo aan qaadan tallaalka cudurka Corona oo  loo ogolaan doonin inay galaan dhismaha baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Isniin: November 1, 2021

Xildhibaanada reer Uganda ee aanan qaadanin tallaalka ka hortagga cudurka Corona ayaanan loo ogolaan doonin inay galaan dhismaha baarlamaanka laga bilaabo maanta oo Isniin ah.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Uganda Anita Among waxay sheegtay in tallaabadan looga golleeyahay in lagu taageero dadaallada ay waddo waaxda caafimaadka dalkaas ee lagu tallaalayo dad badan.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii madaxweyne Yoweri Museveni uu sheegay in dad badan oo u dhashay dalkaas ay shaki ka qabaan qaadashada tallaalka isla markaana sheegay in uu ku rajo weyn yahay in 12 malyan qof ay tallaalka qaadan doonaan Meesha lagu gaaro dabayaaqada sanadkan.

Waxaa ilaa hadda tallaalka qaatay in ka badan 3 malyan oo qof oo kasoo jeeda dalkaas.

Uganda waxaa cudurka u dhintay in ka badan 3,000 qof, sida ay sheegtay dowladdda.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post