639 Views

Dowladda Kenya oo tiro ciidamo ah geysay Gobolka Waqooyi bari

Dowladda Kenya oo tiro ciidamo ah geysay Gobolka Waqooyi bari
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 4, 2022

Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamadeeda  geysay xuduudka Soomaaliya kadib markii dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulo ka tirsan  magaalada  Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in ciidamadan sidoo kale looga tala galay in ay sugaan amniga xuduuda, maadaama todobaadka soo socda ay doorasho ka dhici rabto dalka Kenya.

Ammaanka magaalooyinka ka tirsan dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona Kenya ay ciidamo badan dhigtay gobolka waqooyi bari Kenya iyo magaalada Nairobi.

Taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo  sugi doono amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, islamarkaana ka hortagi doono weerarada Al-shabaab ay ka geysataan gudaha dalka Kenya.

Dalka Kenya 9-ka bisha August waxaa ka dhaceysa doorashada guud, waxaana ay tahay doorashadan mid si weyn isha lagu wadahayo natiijada ka soo bixi karto, gaar ahaanna musharrixiinta u tartamaysa kursiga madaxweynaha ee dalkaasi ugu sarreeya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post