2544 Views

RW Kheyre oo kormeeray Xarunta Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

RW Kheyre oo kormeeray Xarunta Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 7, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Soomaaliya,isagoo u kuurgalay howlaha shaqo ee halkaasi ka socda.

Mudane Xasan Cali Khayre waxaa xarunta Wasaaradda Howlaha guud ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaraddaasi Eng Saadiq C/llaahi Cabdi,Wasiiru Dowlaha Wasaradda,Wasiir ku Xigeenka Wasaradda,Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaradda Howlaha Guud.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradda Howlaha guud oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Wasaradda inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagar la’aan ah.

khayre-booqday-4 khayre-booqday-3 khayre-booqday-2 khayre-booqday-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment