1137 Views

Maamulka Gobolka Mudug oo mar kale ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Maamulka Gobolka Mudug oo mar kale ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Jimco: September 17, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in dadka ku nool degaannada Gobolka Mudug ay ahaayeen kuwo si wanaagsan u wada nool, hayeeshee la soo kala dhex-galay.

Waxaa uu ku eedeeyay in Al-Shabaab ay dadka ka faa’iideysteen, isla markaana ay sabab u noqdeen in Colaad beeleedyo ay ka abuurmaan degaannada Gobolka Mudug waa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ku dhawaaqay dagaal degaannada Gobolka Mudug looga saarayo Al-Shabaab, waxaana Bulshada uu ugu baaqay inay hubka qaataan oo ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa waxaa uu sheegay in Puntland & Galmudug ay ka go’aan tahay la dagaalanka Al-Shabaab dhawaana laga saari doono degmooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post