765 Views

Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS
____________________________________________________________________________

Axad:AUGUST 14, 2022

Ra’iisul Wasaaradah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFS Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene iyo Wasiirkii hore Amb Jamaal Maxamed Xasan.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta dhexe wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay, Wasiiru- Dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Marwo Fahma Axmed Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare, Hanti-dhowrka Qaranka, Xildhibaadaha Baarlamaanka Federaalka Aqalka Sare, Golaha Shacabka, Agaasimayaasha Waaxaha iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn waxuu sharaxaad ka bixiyay howlahii baaxada lahaa ee Wasaaradda u qabsoomay muddadiida uu hormuud u ahaa.

“Mudane Ra’iisul Wasaare anigoo ka faa’iideysanayo fursadan qiimaha badan waxaan u mahadceliyaaa Shaqaalaha Wasaaradda qeybahooda kala duwan, dowlad gobaleedyada, hay’adaha dowladda iyo Beesha Caalamka oo si wanaagsan aan u soo wada shaqeynay, Mudane RWX waxyaalahii inoo qabsoomay waxaa ka mid ah, in aan kordhinay miisaniyadda, shaqaalaha iyo xafiiyadaba aan kula wareegnay oo toban jibaar intii aan kula wareegnay. waan kordhinay marka loo eegno, shaqaalaha si lamid ah, Xafiisyada sidoo kale waa toban jibaar intaa aan kula wareegay wax uun baa ku kordhinay anagoo aanu wasiirkii hore kala wareegnay qorshe diyaarsan oo wasiir hore igu wareejiyay ayaan fulinay, Sidoo kale waxaa inoo suuragalay diyaarinta iyo wax ku kordhinta Qorshahii sagaalaad iyo dajinta Istaraajiyada kala duwan oo ay ka mid yahiin Istaarajiyada Qaran ee Xalka Waara, Sharciga Hay’adaha aan dowliga ahayn ee NGO, Siyaasatada Maalgashiga, Qorshaha Horumarinta Qaranka, Dhismaha Hay’adda Istaatikada Qaranka, waxaan rajaynaa Wasiirka Cusub ee saaxibkeey ah oo aan rajaynayno in waxyaabaha aan ka gaabinay sii dhameystiri donna howlaha sii wadi doono” Ayuu yari Wasiirkii hore Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena ayaa boggaadiyay howlaha uu soo qabteen Wasiiradii hore, isla markaana balan qaaday in uu sii xoojin doono shaqooyinka, halka ay hada joogana ay kasii wadi doonaan.

“Waxaan sharaf ii ah in masuuliyadan kula wareega halkan, waxaan halkan ka qeexayaa inaa sii wadi doona howlaha baaxada leh ee qorshaha horumarinta qaranka iyo howlaha horu-tebinta u leh wasaaradda habsami soocdkooda, dabacan qorshaha waxa uu marayaa heer dhaxe waxaa horyaalo fulinta Qorshaha horumarinta qaranka Sagaalaad iyo u diyaar garowga qorshaha-10Aad oo ku salayn doono aragtida Madaxwayanha JfS iyo RWX, Sidoo kale waxaan ahmiyadd siin doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dadkeena, waxaana si xoogg badan ugu shaqeyn doonaa Abaaraha soo noq-noqday sii wax looga qaban lahaa”Ayuu yari Wasiirka Cusub ee Wasaaradda

Ra’iisul Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa boggaadiyay shaqadii baaxada lahayd uu soo qabtay Wasiir Jamaal, isagoona kula dar-daarmay masuuliyiinta cusub oo ugu horeeyo wasiirka Wasaaradda in shaqada halka ay hada joogto kasii wadaan, sidoo kale waxa uu tilmaayay in hay’adahii taageeray dhismaha wasaaradda iyo shaqooyinka kala duwan ee la qabtay u mahadcelinayo “waad ku mahadsan tahihiin sidaa noo caawiseen.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post