477 Views

Shirkadda Apple oo sameynta taleefoonnada iPhone u wareejineysa Hindiya

Shirkadda Apple oo sameynta taleefoonnada iPhone u wareejineysa Hindiya
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022

 Shirkadda Apple ayaa sheegtay soo saarista taleefannada iPhone 14 iney ka soo wareejineyso Shiinaha una wareejineyso Hindiya.

Shiekadda Apple ayaa taleefannada ugu badan ee ay soo saarto ee iPhone lagu sameeyaa dalka Shiinaha.

Waxayna shirkaddu hadda qorsheyneysaa meel ka baxsan Shinaha in lagu sameeyo taleefannada ay soo saarto.

Go’aanka shirkadda ayaa ka dhashay marki uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Washington iyo Beijing.

Shirkadda Apple waxaa kale oo ay sheegtay waxsoosaarka taleefannada oo ay shirkadda ka wadday gudaha dalka Shiinaha ay saameysay xayiraadihi ka dhashay Covid-19 oo ay xukumadda Beijing ka hirgelisay gudaha dalkaasi.

Shirkadduna horraantii bisha September waxay shaacisay nooca cusub ee taleefankeeda iPhone 14.

“Safafka dhaadheer oo ay dadku ugu jiraan iney helaan taleefanka cusub waxay abuurtay hadal hayn ah badqabka takeefankan cusub.”

Shirkadda Apple waxay sheegtay taleefanka iPhone 14 iney ku sameyneyso Hindiya si ay u daboosha baahida taleefankaasi dadka doonaya ay u qabaan.

Shirkadda Foxconn oo taleefannada iPhone soo saarta ayaa tan iyo 2017-kii ka howlgalayey gobolka gobolka Koonfureed ee Hindiya Tamil Nadu.

Haddaba wakhti xaadirkan suuqa taleefoonnada ee dalka Hindiya ku xooggan taleefanka iPhone 14 oo si buuxda aan suuqa u soo gelin.

Shirkadda weyn ee Apple oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa tartan xooggan kala kulmeysa taleefannada raqiis ah oo ay soo saaraan shirkadaha laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed iyo Shiinaha.

Shacabka Hindiya ee jecel isticmaalka taleefanka iPhone ayaa door bidaya taleefanka ay iibsanayaan inuu noqdo taleefan iPhone oo gudaha dalka Hindiya lagu sameeyey.

Xukumadda Narendera Modi ee Hindiya taleefanka iPhone ee la sheegay in gudaha Hindiya intiisa badan lagu soo saarayo waxay u horseedday guul siyaasadeed.

Waddamo ay ka mid yihiin Vietnam oo ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya waxaa laguA soo saaraa taleefannada iPhone ee ugu badan.

Noocan cusub ee iPhone 14 waa mid ka mid ah taleefannada casriga ah ee loogu jecel yahay adduunka. Shirkadda Apple ayaa markii ugu horreysay soo saartay iPhone-ka sannadkii 2007-dii, wuxuuna talefankani wax ka beddelay tignoolajiyadda talefannada gacanta, taas oo ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keenay guusha baaxadda leh ee shirkadda.

Sanado badan, taageerayaasha taleefankan ayaa dadaal weyn u galay sidii ay u iibsan lahaayeen noocyadii ugu dambeeyay – qaar badan ayaa sidoo kale u arka lahaanshaha taleefanka inuu yahay calaamad muujinaysa heerka uu qofka joogo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post