243 Views

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa qabatay munaasabad lagu shaqaaleysiinayo dufcadii koowaad ee Ardayda dhameysatay tababarka mootooyinka.

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa qabatay munaasabad lagu shaqaaleysiinayo dufcadii koowaad ee Ardayda dhameysatay tababarka mootooyinka.
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 22, 2022

Waxaa manta magaalada muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu soo xirayey tababar shaqa abuurka mootooyinka kuwaas oo ay u soo idlaaday 65 Dhalinyaro ah tababar socday mudo labo bilood ah oo qeyb ka ah dufcadii koowaad ee mashruucan shaqa abuurka ayaa Hormuud Salaam Foundation waxa ay ku wareejisay dhamaan qalabkii ay ku shaqa gali lahaayeen ayaga oo si toos ah ula shaqeyn doona shirkada Rikaab dhanka adeegyada deg-deg delivery.

 Ugu horeyn munaasabada waxaa ka hadlay Gudoomiya ku xigeenka Hormuud Salaam Foundation, Abdirahman Ibrahim Elmi oo uga mahad celiyey dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Buruuj, ineey fuliyeen tababarka darawalada u diyaarsan in ay shaqa galaan. Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka waxaa uu ku amaanay shirkada Rikaab oo fursada shaqo siisey dhalinta tababarka u soo idlaaday.

Maamulka Gudsiga buruuj Abdimajiid Kadar Ali oo munaasabada ka hadlay, waxa auu sheegay in darawalada ay heleen tababar ku filan oo ay diyaar u yihiin in ay shaqa gaalan, iyada oo dugsigu siiyey tababar iskugu jira Wadida iyo cilad bixinta Mootada, macaamiilka wanaagsan iyo Google Maps iyo shuruucda wada marista, maamulka dugsiga waxaa uu sheegayn in ay socoto qorista dufcadii labaad, ayna imaan karaan dhalinta daneyneysa mashruuca.

Dhanka kale, maamulkka shirkada Rikaab ayaa sheegay in ay darawaliinta ay shaqa gali doonaan isla isbuucan.

Ugu danbeyn waxaa ka mahad celiyay macalimiintii iyo ardayda ka faa’iideystay shaqa abuurka..

Hormuud Salama Foundation ayaa horey ugu sheegtey  in 1000 dhalin yaro ah loo sameyn doono shaqo abuur. Talaabadan waxa ay dhab ka dhigeysaa balanqaadkii Hay’adda Hormuud Salaam Foundation. 

Hormuud Salaam Foundation mar waliba waxa ay qeyb weyn ka tahay horumarinta iyo shaqa abuurka bulshada Soomaliyeed gaar ahaan dhalinyarada, iyadoo mashruucan la aaminsayhay in uu wax weyn ka tari doono shaqo la’aanta aadka u daran ee soo wajahday dhalinyarada Soomaaleed ee saameynta ku yeelatay mustaqbalkooda iyo kan qoysaskooda.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post