1029 Views

Midowga Musharaxiinta oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Midowga Musharaxiinta oo  ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Xili Magaalada Nairobo oo Xalay Fiidkii ku Geeriyooday Cali Mahdi  Madaxweynihii hore ee Somaliya  oo uu Haleelay Xanuunka Covid 19- ayaa waxaa tacsi u diray siyaasiyiinta soomaaliyeed.

Tacsidaas waxaa si gaar ah u diray Midowga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey.

Wuxuu dalka u soo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post