738 Views

Wasiir Dubbe oo hakiyay Go’aankii laga cawday ee Tiyaatarka

Wasiir Dubbe oo hakiyay Go’aankii laga cawday ee Tiyaatarka
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 30, 2021 —Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka kadib cabasho ay ka keeneen Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed iyo Hobolada Waaberi.

Wasiir Dubde ayaa waxaa la sheegay in isaga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku hakiyay go’aankii dib loogu howlgelin lahaa maqaaxida Tiyaatarka qaranka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa u qornaa.

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Maanta ayaa waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Gudaha tiyaatarka banaanbax ka dhigay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed iyo Hobolada Waaberi, iyaga oo sheegay in la iibsaday qeyb kamid ah tiyaatarka taasina aqbaleyn.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post