1317 Views

Sheikh Umal “ Ninka ku dhagan Kursiga Somaliya waxaan leeyahay ka dag Kursiga adiga ma lihide daawo Muqaalka ..

Sheikh Umal “ Ninka ku dhagan Kursiga Somaliya waxaan leeyahay ka dag Kursiga adiga ma lihide daawo Muqaalka ..
____________________________________________________________________________

6-  Marso, 2021

Sheikh Maxamed cabdi  Umal oo ka mid ah Culumadda Soomaaliyeed ayaa digniin iyo fariin u diray Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed  C/laahi farmaajo oo u sheegay in  uu kursiga ka dago.

Shekh Umal  oo Qudbadiisii jimcaha shalay ku soo qaatay xaalada  Soomaaliya ayaa u sheegay farmaajo in uu arko dhibaatada ka taagan wadamada dariska ah hadii la isku dhajiyo kursiga dhibaatada  ka imaan karto.

“  Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado waxa ka dhacayo dariskaaga, sabab  ha u Noqonin kursiga aad isku dhajinayso in uu qof  Muslim ah dhiigiisa  ku daato, Waxaan kuu sheegaa qof Muslim ah hadii la xagto adoo kursiga isku dhajinaya  waxaan kuu sheegaa alle maalintaa soo hor istaagto adaa Mas’uuliyadeeada qaadayso ogoow taasi”ayuu yiri shekh Umul oo fariin u Diray Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

Dhinaca kale sheekha ayaa ugu baaqay farmaajo in uu tanaasulo, waxa uuna sheegay in uusan la dhalan kursiga uusana dhalin.

“ Umada waxaa looga tagaa wax badan  danaahaaga qaaska ah ayaa looga tagaa, tanaasul Tanaasulka waa Qayr iyo Maslaxo, Sayid Nimada qaado sharafta qaado oo karaamada qaado ”ayuu mar kale Yiri Umul oo Fariin  dardaaran ah u diray Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Nin kursiga xoog lagaga qaato in uusan lahayn sharaf nin la eryay sharaf maleh, waxa uu sheegay sheikh in Nin umadiisa u tanaasulay ayaa sharaf iyo qiimo ku leh aduunka, ayuu yiri shekh Umal.

Abdihakim Elmi Hassan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post